Qaraxii Gaalkacyo oo dhimashadu gaartay 23 & Al-Shabaab oo ku hanjabay inay sii wadayaan weerarada
Cali Dheere oo ah afhayeenka Al-shabaab oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka Shabaab ayaa ku faanay in khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba iyo bur bur hantiyadeed uu ka dhashay weerarkaas.
“Gaalkacyo waxaa ka dhacay khasaare fara badan oo la gaarsiiyay cadawga, waxaa la beegsaday halkii loogu tala galay iyo meelihii ay ku aruursanaayeen, dhimashada aad bey u badan tahay 30 illaa 40 u dhaxeysaa, waxaa bur buray daartii shirqoolada lagu maleegayay”ayuu yiri Cali Dheere.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in Puntland ay yihiin col u taagan dadka ahlu diinta iyo gacmo gaalo, isla markaana qaata awaamiirta Itoobiya sida uu yiri.
Waxaa uu ku hanjabay inay sii wadayaan weerarada iyo howl galada ay ka geysanayaan deegaanada Puntland.
Comments are closed.