Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee Muqdisho
Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee Muqdisho, gaar ahaan wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku abaarnaa dhanka Bar Koontarool ciidanka ku leeyihiin wadada aada garoonka diyaaradaha.
Qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareeray oo la arkayay meelo fog fog, waxaa qaraxa u muuqdaa inuu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
La soco wixii warar ee ku soo kordha.
Comments are closed.