Qarax Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Siinka-dheer Ee Duleedka Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Siinka-dheer Ee Duleedka Muqdisho

Wararka aan ka heleyno Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Deegaanka Siinka-dheer  ayaa waxa ay sheegayan in goordhow halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan.

Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa la sheegay inuu ku Qarxay Deegaanka Siinka-dheer  sida aan wararka ku helnay.

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ee ku sugan Duleedka Muqdisho ayaa sheegay inay ka hortageen gaariga siday Waxyaabaha Qarxa oo la sheegay inuu ku soo jeeday Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal Qof oo ah Ninkii waday gaarigii Qaraxa siday kadib markii uu Qarxay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in Gaariga Qaraxu ku rarnaa ee Ciidanku ay ka hortageen ay Taarigadiisu ay aheyd Taarigo Somaliland.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!