Qarax xoogan oo lala eegtay Ciidamo Cadaan ah oo ku sugnaa Duleedka Jowhar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax xoogan oo lala eegtay Ciidamo Cadaan ah oo ku sugnaa Duleedka Jowhar

Qaraxaan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa la sheegay in uu ka dhacay deeegaan lagu magacaabo Xaansholeey oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku sugnaayeen Ciidamo isku jira Cadaan iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhanka kale Warar ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen Tababayaal Cadaan ah,kuwaas oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka ee halkaasi ku sugnaa.

Ilo ka mid ah dad deegaanka ayaa Shabakadda Mareeg.com u sheegaya in qaraxa kadib ay maqleen Rasaas fara badan oo ay ridiyeen Ciidankii Qaraxa lala eegtay,inkasto aysan ogeyn inta uu la eg yahay Khasaaraha uu geystay qaraaxasi.

Ilaa iyo hada majio wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo ay uga hadlayaan inta uu la eg yahay Khasaaraha uu geystay qaraxaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!