Qarax xoogan oo lagu beegsaday Ciidamada Kenya
Dhoobleey (Mareeg Online)—Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax miino oo maanta lagu beegsaday Kolonyo ay wateen Ciidamada Dowlada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Qaraxan ayaa Ciidamada Kenya waxaa lagula eegtay Duleedka Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.
Dhinaca kale, Xoogaga Al Shabaab ayaa dhabarka u ritay mas’uuliyada Qaraxii lagu beegsaday Kolonyada Ciidamada Kenya.
Al Shabaab ayaa sheegtay in Qaraxaasi ay ku dileen ugu yaraan 15 askari oo ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Kenya.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Kenya oo ku aadan sheegashada Xoogaga Al Shabaab.
Comments are closed.