Qarax xoogan oo ka dhacay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho (Sawirro)

Qarax xoogan oo loo maleynayo inuu ahaa mid ismiidaamin ah ayaa goor dhoweyd ka dhacay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo wali aan kala cadeyn qasaaraha ka dhashay.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxan ayaa ka dhacay meel ku dhow xafiiska Shirkada Diyaaradaha Jubba Airways, halkaasoo aanay ka fogeyn barta ugu horeysa ee koontaroolka laga galo garoonka diyaaradaha.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lala bartilmaameedsaday gaari ay leeyihiin UN-ka oo wadada marayay.

Wadada ayaa gebi ahaanba la xiray, waxaana goobta soo buux dhaafiyay Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka soo baxay Xerada Xalane.

Qaramada Midoobey ayaa xafiis ku leh Garoonka diyaaradaha, sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa xarun weyn oo aad ammaankeeda loo ilaaliyo ku leh Xalane.

Wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo isgoyska KM4 ayaa ah goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo, waxaana inta badan ciidamo ay ku sugan yihiin wadooyinka laga aado garoonka diyaaradaha.

Qaraxan ayaa ku soo aaday, iyadoo wax yar ka hor uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u kicitimay magaalada Baydhabo, halkaasoo uu kaga qeyb galayo munaasabad lagu caleema saarayo Shariif Xasan.