Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

Read Time:52 Second

Qaraxaan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir ayaa waxa uu ahaa gaari laga  soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaas oo la dhigay kasoo horjeedka Hotelka Mubaarak oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoyska Shaqaalaha iyo Xaaji Baasto ee Wadada Maka Almukarama.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Darawalka Gaariga goobta dhigay uu baxsaday, kadib markii ay u yeereen ciidamada ilaalada ka ah hotelka Mubaarak intaasi kadibna uu gaariga qarxay.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uusan geysan khasaaro nafeed marka laga reebo burbur uu u geystay gawaari kale oo goobta yaallay, kuwaas oo dab qabsaday markii uu qaraxa dhacay.

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo mudo daqiiqado ah hakiyey isku-socodka Dadka iyo Gaadiidka wallow markii dambe ay ciidamadu dib u fureen.

Majirto goob si toos ah qaraxaasi loola beegsaday,waxaana qaraxaan uu qeyb ka yahay qaraxyada inta badan ka dhaca degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,kuwaas oo ay ku waxyeeboobaan badi dad Shacab ah.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.