Garowe: 7 ku dhimatay qarax ka dhacay xarrunta UN * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Garowe: 7 ku dhimatay qarax ka dhacay xarrunta UN

Mareeg.com: Qarax xoogan ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta Hey’addaha UN-ka ee magaalada Garowe ee xarunta Puntland, iyadoo qaraxan uu ahaa gaari ay saarnaayeen Shaqaalaha UN-ka

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa ka dhex dhacay gaari kuwa baska ah ee qaada shaqaalaha UN-ka, kaasoo loo maleynayo inuu qaraxa uu saarnaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uu gaariga UN-ka saarnaa, balse si dhab ah wali looma oga, iyadoo ay socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka.

Ugu yaraan todobo ruux ayaa ku dhintay weerarkan oo ahaa dhamaan dadkii saarnaa gaariga, waxaana labo ka mid ah ay ahaayeen ajnabi, shanta kalena Soomaali.

Sarkaal ka tirsan booliiska Puntland, ayaa sheegay in ay u muuqato in qaraxu ahaa miino lagu xiray gaariga. Muuqaallo laga qaaday goobta qaraxu ka dhacay ayaa muujinayo gaari ay ka muuqato astaanta Qaramada Midoobey.

Afar kamid ah dadka dhintay ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen ajinabi u shaqeynayey Qaramada Midoobey.

Xaalada magaalada Garowe ayaa kacsan, waxaana ciidamo fara badan ay isku gadaameen halka qaraxa ka dhacay ee Xarunta Qaramada Midoobey.

Gaariga ayaa gebi ahaanba bur buray, waxaana muuqata in marka la eego gudihiisa iyo saqafkiisa kore in waxyaabaha qarxa uu saarnaa.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.