
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay mid kalana dhaawac culus ayaa soo gaaray ka dib qarax ka dhacay warshad sameysa agabka ciidamada oo ku taalla meel u dhow magaalada Salisbury ee dalka UK.
Ciidamada Booliska waxa ay sheegeen in qarax kadib dab xoog leh uu halkaasi ka kacay.
Booliska waxa ay sidoo kale tilmaameen in ay socdaan dadaallo lagu daminaayo dabka qabsaday Warshadda.
Kooxaha Gurmadka deg deg ah ayaa gaaray Warshadda oo ah Mid muhiim u ah dowladda UK .
Ciidamada Booliska waxa ay sheegeen in aanay wali ogeyn sababta qaraxa iyo dabka dhalisay oo ay baarayaan balse waxa ay tilmaameen in aanay jirin qatar dadku ka welwelaan.