Qarax xoogan oo Ciidamada DFS lagula eegtay Duleedka Baladweyne

Read Time:42 Second

Qaraxan oo ka dhashay khasaaro ayaa Ciidamo ka mid ah kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagula eegtay wado xiriirisa Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas oo ka wada tirsan Gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa lagu beegsaday mid ka mid ah Gaadiidka Dagaalka ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ilaa 5 Askari ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi oo ka dhacay Degaan qiyaas ahaan 30km u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan Millitariga Soomaaliya ayaa sheegay in qarax Miiino lala beegsaday Gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen Ciidamada, wuxuuna tilmaamay in Ciidamada xilligaasi ay ku guda jireen Howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa shalay Gobolka Hiiraan waxa ay ku soo bandhigeen Sahnad Millitari oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaal ay la galeen Al-shabaab.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %