Read Time:1 Minute, 20 Second
Mareeg.com: Qarax gari ayaa xalay fiidkii ka dhacay albaabka dambe ee Hotel Maka Almukarrama ee magaalada Muqdisho, kaasoo ka dhashay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga qarxay oo ragii watay doonayeen iney dhigaan albaabka hore hoteelka ay arrintaas ka diideen ilaalada hotelka, kadibna ay rasaas huwiyeen.
Ragiii gaariga watay ayaa la sheegay iney ka boodeen kadibna uu gaarigu qarxay, waxaana boolisku sheegay in la qabtay mid ka mid ah raggaas.
Taliska Booliska Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah dhowr nin, oo ka dambeeyay qaraxii gaari ee caawa ka dhacay dhabarka dambe ee Maka Al Mukarama.
Ilaa saddex nin oo la socotay gaari Kaarib ahaa, ayaa damcay inay dhigaan dhabarka dambe ee Maka Al Mukarama Hotel, waxaase ka biyo diiday ilaaladii hotelka, iyagoona rasaas ku soo furay ilaalada.
Milkiilaha Hotelka Maka Al Mukarama, Gurey Xaaji Xasan waxa uu xaqiijiyay in raggaasi ay ka carareen gaariga, ka dib markii labada dhinac ay rasaas isku adeegsadeen halkaasi. Gaariguna uu ahaa mid uu qarax ku xiran yahay, isla-markaana uu qarxay.
General Mukhtaar Xuseen Afrax, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan mid ka mid ah raggaasi, xilli uu doonaayay inuu baxsado, sida uu yiri.
Qaasim Axmed Rooble, Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliyeed, ayaa isna sheegay in la soo xiray laba nin oo kale, kuwaa oo loo maleynaayo inay gacan siinayeen ninka la qabtay.
Laba qof ayaa la sheegay in dhaawacyo kala duwan uu qaraxaasi ka soo gaaray, walow ay jiraan warar kale oo sheegaya in dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi, ay gaarayaan ilaa shan ruux.
Mareeg Media
Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame
Whatup :+447737886245
Happy
0
0 %
Sad
0
0 %
Excited
0
0 %
Sleepy
0
0 %
Angry
0
0 %
Surprise
0
0 %