qarax weyn oo laga maqlay marks dagaal oo ku-sugnaa somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

qarax weyn oo laga maqlay marks dagaal oo ku-sugnaa somalia

June 27— Wararka ka imaanaya Xeebaha Puntland ayaa sheegaya in qarax weyn laga maqlay markab kuwa dagaalka ah oo ku sugnaa meel qiyaastii 44KM u jirta degmada Caluula ee Gobolka Bari.

Dad ku dhaqan deegaanka Murcanyo ayaa u sheegay Idaacada VOA inay arkeen markab weyn oo kuwa dagaalka ah oo qarxaya, kaddibna quusaya

Qaar ka mid ah Kaluumeysatada deegaanka ayaa sheegaya in qaraxa ay u maleynayaan inuu ka dhex dhacay markabka oo ahaa kuwa dagaalka.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya inay arkaan labo markab oo kale oo kuwa dagaalka ah, kaasoo u soo gurmaday halkii uu markabka ku degay oo deegaanka Murcanyo u jirta illaa 4 mile.

Ma cadda waxa dhabta ah ee qaraxaas u ahaa, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan.

Maraakiib kuwa dagaalka oo ka socda dhowr dal ayaa ku sugan xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo kula dagaalamaya burcad badadeedka.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!