Qarax Ismiidaamiin Ah & Weerar Lala Beegsaday Wasaaradda Difaaca Yemen

Read Time:52 Second

Sanca, Mareeg.com: Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa saaka lala beegsaday wasaaradda gaashaandhiga dalka Yemen, iydoo weerarkaasi keenay dhimasho iyo dhaawac aan ilaa hadda la tiro koobin.

Uuro madow ayaa ka kacday dhismaha wasaaradda gaashaandhiga Yemen oo ku taalla deegaanka Baabul Yemen, ee magaalada Sanca qeybta gabowga ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay iney maqleen rasaas xoog leh, waxaana goobta u degdegay gaadiidka gurmadka degdega ah. Ciidamo kala duwan ayaa xiray wadooyinka soo gal wasaaradda gaashaandhiga.

Sarkaal u hadlay wasaradda difaaca Yemen ayaa sheegay in markii uu is qarxiyey gaariga ay dabley hubeysan isku dayeen iney wasaraadda gudaha u galaan, iyagoo isku dayey iney kazoo galaan albaab xiga dhanka galbeed.

Xilliga qaraxu dhacay waxaa wasaraadda ku sugna wafdi caafimaad oo ka socda dalka Jarmalka.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmay xilli magaalada ay ka dhaceen weeraro lala beegsaday mas’uuliyiin, kuwaasoo ay geysteen rag wata mootooyin, waxaana magaalada Sanca si kumeel gaar ah looga mamnuucay mootooyinka.

Weerarkaan ismiidaaminta ah ayaa loo badinayaa iney geysatay kooxda Alqaacidda ka tirsan ee Jazeeradda Carabta.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %