Qarax uu ku dhaawacmay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo Caawa ka dhacay Muqdisho

Read Time:35 Second

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Gaari oo Caawa ka dhacay Afaafka hore ee Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya,iyadoo uu sababay qaraxa khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa gaarigiisa loogu soo xiray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaasi oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed oo loo yaqaan Boorow,waxaana ku dhintay qaraxaasi Darawalkii Gaariga waday.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay Maxamed Mursal Maxamed oo loo yaqaan Boorow oo ah Xidlhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Gaariga uu watay Xildhibaanka ayaa qarxay xili uu marayay Afaafka hore ee Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo baaritaano kawada goobta.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %