Qarax miino oo todobo qof ku dhaawacay Gaalkacyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax miino oo todobo qof ku dhaawacay Gaalkacyo

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in ilaa 7 qof ay ku dhaawacmeen qarax saaka ka dhacay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalacyo xarunta gobolka Mudug.

Qaraxan ayaa loo adeegsadey miino dhulka lagu aasey isla markaana laga maamuley meel fog, waxaana dadka ku dhaawacmay la gaarsiiyey isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu qaaday Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur, waxaana wararka qaar sheegayaan in Axmed Muuse uu qabo dhaawac fudud, halka wararka qaarkood tibaaxayaan in uu bedqabo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii u danbeeyey ka nasatey qaraxyada caynkan oo kale ah oo horay marar badan u dhacay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!