Qarax saddex carruur ah ku dily tuulo ka tirsan gobolka Togdheer

Mareeg.com: Saddex carruur ah oo walaalo ahaa ayaa salaasadii ku dhimatay, hooyadoodna way ku dhaawacantay qarax ka dhacay tuulo lagu magacaabo Nasiye oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Dhaawaca hooyada ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Burco, waxayna sheegayaan dhakhaatiirta isbitaalkaasi in xaaladda caafimaad ee hooyadu ay soo hagaagayso.

Hooyada ayaa warbaahinta u sheegtay in qaraxu ahaa wax qarxa oo xilli hore ku aasmay geed ay harsanayeen iyada iyo carruurteeda, uuna qarxay markii uu taabtay neef ari ah oo la harsanayey geedka.

Qaraxa ayaa ah kii labaad ee ka dhacay tuulada Nasiye ee gobolka Togdheer.

Gobolkaas ayaa waxaa ku badan haraadiga waxyaabaha qarxa ee halkaas looga tegay dagaalkii sanadkii 1988 ee u dhaxeeyey dowladda milateriga aheyd ee Soomaaliya iyo Jabhaddii SNM.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245