Qarax Muqdisho lagula eegtay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sh/hoose
Qarax jugtiisa laga maqlay qeyb kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay Degmada dharkeenley,kaasi oo lala eegtay gaari uu lahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle.
Gaariga qaraxa lagu xiray oo ahaa gaari SRUF ah,ayaa waxa uu qarxay xili uu marayay Xaafadda Nuur aduunyo ee Degmada dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in qaraxa si weyn looga maqlay gudaha Degmada,isla markaana lala eegtay Gaariga uu lahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose,kaasi oo ka badbaaday Qaraxa.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo gaabta xiray, isla markaaba baaritaano ka wada goobta.
Comments are closed.