Qarax Muqdisho ka dhacay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax Muqdisho ka dhacay

June 24 (Mareeg)— Warar aanu heleyno ayaa sheegaya in Safiirkii Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mohamed Al-Othmani uu ka bad baaday weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday kolonyo uu la socday oo marayay agagaarka Tarabuunka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana afhayeen u hadlay uu u sheegay Telefishinka Al-Jazeera inay beegsadeen gawaari ay la socdaan cadawga sida uu tiri.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa saarnaa mid ka mid ah gawaarida aan xabadaha karin ee loo yaqaano Bulletproof, waxaana gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu beegsaday gawaari ay saarnaayeen ciidamo ilaalinayay kolonyada uu la socday Safiirka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Safiirka uu bad qabo, waxaana xilliga la weeraray kolonyada uu la socday ay ka soo baxeen Isbitaalkii Xoogga.
qarax
Ugu yaraan 12 ruux oo ayaa ku geeriyootay weerarkan, waxaana dadka dhintay ku jira dad rayid ah, ciidamo ilaalinayay wafdiga iyo labadii ruux ee gaariga is qarxiyay saarnaa.



Imaaraadka Carabta ayaa Muqdisho ka wada howlo isugu jira sama fal iyo taageero ay siiso dowladda Soomaaliya, waxaana Muqdisho ka hirgelisay Isbitaal iyo xero lagu tababaro ciidamada.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa xarun u aheyd magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka guddoomay waraaqdiisa danjirnimo.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dowladaha Khaliijka ayaa ka mid ah dowladaha daneynaya arrimaha Soomaaliya, waxaana dhowaan Muqdisho soo gaaray Wasiirka Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!