Qarax Lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Itoobiya

Read Time:36 Second

Wararka naga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay ku waramayan in halkaasi Qarax miino ah lagula eegtay Kolonyo Ciidan oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee Ciidamada dowlada Soomaliya ka caawiya la dagaalanka Ururka Al Shabaab .

Ciidamada ayaa Qaraxa waxaa lagula eetay xili ay maraayeen wadada deegaanka Buurdhuxulle oo kala qeybiya Degmooyinka  Waajid iyo Rabdhuurre ee Gobolka Bakool.

Qaraxa lala eegtay Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi.

Ururka Al Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkaas iyaga ay ka dambeeyeen isla markaana ay gaarsiiyen Ciidamada Itoobiya Khasaaro xoog leh.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.