Qarax lala damacsanaa safaarada Turkiga oo fashilmay? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax lala damacsanaa safaarada Turkiga oo fashilmay?

Sida aan Wararka ku helnay qaraxan ayaa lagu soo qariyay bac waxaana lasoo dhigay afaafka hore ee xarunta Safaarada oo kutaala degmada Cabdicasiis, waxaana durba xogta Miinadaasi helay ciidamada amaanka .

Warar aan ka helnay ilo dhanka amaanka ah ayaa noo xaqiijiyay in goordhaw qarax nuuca Miinada ah lasoo dhigay meel ku dhaw albaabka laga galo xarunta Safaarada Turkiga ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad Sugida iyo booliiska oo gaaray halka Miinada la dhigay ayaa gabi ahaan xiray aagaasi, waxa ayna Ciidamada wadaan howlgal ay halkaasi uga qaadayaan Miinada lasoo dhigay iyada oon wax dhibaato ah geesan.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahana u muuqda mid soo yara hagaagaya, waxaana Howlgalo ay sameeyaan Ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugida suurto galisay in uu soo hagagao amaanka Caasimada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More