Qarax lala beegsaday Macalimiin Kenyan ah oo shaqeeya Gaalkacyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax lala beegsaday Macalimiin Kenyan ah oo shaqeeya Gaalkacyo

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarrunta goblka Mudug ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay qarax lala eegtay bas weday macallimiin iyo shaqaale ka howlgala Iskuulka lagu magacaabo Yameska.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa ilaalada Iskuulka, halka 4 ay dhaawacmeen 2 Macalimiin Kenyan ah iyo 2 macalin oo kale.

Qaraxa ayaa ah mid dhulka lagu aasay dhulka meel u dhow Iskuulka ay ka shaqeynayeen Macallimiintaasi ka shaqeynayeen.

Dhaawacyada macalimiinta ayaa la geeyay Cisbitaalka magaalada halkasi oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Galkacyo ayaa sheegay in bartilmaameedka uu ahaa gaariga ay saarnaayeen macalimiinta iyo shaqaalaha Dugsiga Yamayska, isagoo xusay inay baaritaano wadaan.

Iskuulka Yameyska oo jira ilaa 10 sano ayaa la sheegay inuu yahay dugsi ay dhigaan Macalimiin ajaanib ah, kuwaasoo qaar ka mid ah yihiin Kenyan ah.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!