Qarax lala beegsaday ciidamada Jabuuti ee Buulo Barde

Buulo-barde – Mareeg.com: Qarax miino ayaa maanta degmada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan lagula eegtay gaadiid ay la socdeen ciidamada Jabuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxa oo loo adeegsaday miinada nooca meelaha fog laga hago lagula eegtay mid ka mid ah gadiid ay la socdeen ciidamada Jabuuti meel aan ka fogeyn garoon ay ka degaan diyaaradaha militariga ee sahayda u keena ciidamada ku sugan Buulo-barde.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen tiro ka mid ah ciidamadooda jooga Buula-burte, isaga oo intaa ku darray in ciidamada dhaawaca ah loo duuliyay magaalada Muqdisho.

Ciidamada Jabuuti ayaa markii qaraxaasi dhacay xirxiray dhowr qof oo ka ag-dhawaan halkaa uu qaraxa ka dhacay, kuwaa oo la sheegay in baaritaanno lagu hayo.

Degmada Buulo-barde oo horay looga saaray Alshabaab ayaa waxaa horay uga dhacay weerar ismiidaamin ah, kaasoo lagu dilay dhowr askari oo isugu jira Soomaaliya iyo Jabuutiyaan iyo taliye sare oo ka tirsanaan milateriga Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245