Qarax Lagu Dilay Askar Kenyan Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Gaarisa

A Kenyan security person walk past a police vehicle damaged by a blast killing Kenyan police officers at the Garissa county, eastern Kenya, May 24, 2017. REUTERS/Stringer

Ugu yaraan 10 ka mid ah saraakiisha Booliska Dalka Kenya ayaa lagu dilay weerar Miino ahaa oo ka dhacay duleedka Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya..

Qarax Miino oo la geliyay Jidka dhinaciisa ayaa la kacday Kolonyo Ciidamada Kenya ah oo marayay Waddada Dhamajaale oo banaanka ka ah Libooyo.

Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Dalka Kenya Hillary Mutyambai, ayaa xaqiijiyay in weerarku ahaa Miino loo dhigay Kolonyada kaddibna ku qaraxday sababtayna dhimashada Askarta badan.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Askari kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas kuwaas oo lagu qaaday Gaadiidka Ciidanka si caafimaad loogu raadiyo.

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka ka dhanka ahaa Ciidanka Kenya islamarkaana sababay dhimashada 10ka Sarkaal.

Weerarrada ka dhanka ah Ciidanka Kenya ee ka dhaca Gobolka Soomaalida ayaa sii xoogeysanaya iyada oo dowladda Kenya qarashka ugu badan uu kaga boxo dhinaca amaanka gaar ahaanna dagaalka ka dhanka ah waxa ay ugu yeerto argagixisada.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245