Qarax Khasaaro sababay oo ka dhacay Ethiopia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax Khasaaro sababay oo ka dhacay Ethiopia

Qarax ayaa waxa uu ka dhacay Misaajidka ugu weyn Magaalada Adis-ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia kaas oo ay ku dhaawacmeen inkabadan 2o qof sida laga soo xigtay Masuuliyiin Ethiopian ah.

Wasiirka Warfaafinta Ethiopia ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday Bamka nuuca gacanta laga tuuro kaas oo lagu dhuftay Masjidka Wey nee loo yaqaanno Anwar.

Inkastoo Ethiopia ay Ciidamo kuweeda ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya kuwaas oo dagaal kula jira Xarakada Al Shabaab ayaa hadana dowladda Ethiopia waxa ay iska fogeysay in weerarkaan uu yahay mid aargoosi ah ee  dalkeeda ay ku soo qaadeen Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa horay weeraro uga geystay dalalka Kenya, Uganda iyo Jabuuti kuwaas oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya kaas oo lagu taageero dowladda Soomaaliya

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.