Qarax Khasaaro geystay oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax Khasaaro geystay oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax culus uu ka dhacay Wadada xiriirisa Magaaloyinka  Balcad iyo Jawhar Jimcaha Maanta ah.

Sida ay sheegeen ilo wareed ku sugan magaalada Balcad, qaraxan ayaa lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dawladda oo marayey Degaanka Sayga oo Waqooyi ka xiga magaalada Balcad.

Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah. Gurmad ayaa la sheegay inuu socdo, kaasi oo lagu daad guraynayo askarta ku dhaawacantay qaraxaasi.

Maaulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada weli wax faah faahin ah kaa bixin qaraxa khasaaraha geystay ee lala eegtay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!