Qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay wadada Muqdisho & Afgooye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay wadada Muqdisho & Afgooye

Mareeg.com: In ka badan 12 ruux ayaa ku dhimatay,  20 kalana wey ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooy, gaar ahaan deegaanka Xaawa Cabdi.

Qaraxan oo ay fuliyeen Al Shabaab ayaa sida muuqata lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamadaq AMISOM iyo gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.

Qaraxa ayaa wuxuu khasaare gaarsiiyey gaadiid BL ah oo marayey wadada, waxaana la sheegay in khasaaraha badankiisa uu ku dhacay dad shacab ah oo la socday gaari dadweyne, kaasoo la sheegay inuu gubtay.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose  C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa qaraxa markii u dhacay wax yar kaddib  la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhibaatoobeen dad shacab oo saarnaa laba gaari BL-ah oo wadada marayay, waxaana uu tilmaamay in Ciidamadu ay wadaan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadiidkii AMISOM ee qaraxan la doonayay in lala beegsado aysan waxba gaarin, iyadoo khasaare badan gaaray dad shacxab ah.

Wasaaradda Aminiga Qaranka Soomaaliya ayaa dhawaan ka digtay in Alshabaab geysan doonaan weeraro ay ugu aargudayaan dilkii Mareykanku u geystay hogaamiyahoodii Abuu Zubeyr.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!