Qarax ka dhashay gaari ay eryanayeen ciidamada dowlada isgoyska Siinaay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid ka dhashay gaari ay eryanayeen ciidamada dowlada kaasi oo qarxay isagoo marayay isgoyska Siinaay.

Warbaahinta dowladda ayaa lagu faafiyey in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo baacsanaayay kooxo hubeysan oo watay gaari ay gaarigii ka carareen ka dibna uu gaarigii sidaasi ku qarxay.Sidoo kale Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay   ciidanka ammaanka inay fashiliyeen  gaarigaasi oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245