Qarax ka dhacay Suuqa Kaaraan oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Muqdisho – Mareeg.com: Qarax miino ayaa maanta ka dhacay suuqa degmada Kaaraan ee maagalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxu ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana markii uu dhacayey ay halkaas ku sugnaa ciidamada canshuuraha qaada.

Labo ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, halka sidoo kale 7-kalena ay ku dhaawacmeen oo isugu jiray askar iyo shacab.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan, Axmed Xasan Yalaxow ayaa warbaahinta u sheegay inuu qaraxa oo burburay dhsisme yar oo ay ciidamada dowladda Hoose canshuurta ku qaadi jireen uu dilay 2 qof oo adeeganayey, islamarkaana uu dhaawacay 7 kale.

Lama oga cidda qaraxan ka dambeysa, hase ahaatee waxaa ka muuqda calaamadaha Alshabaab oo dhawaan ku hanjabay iney laba laabayaan weerarada.

Degmada Kaaraan ayaa ka mid ah degmooyinka ugu nabdoon magaalada Muqdisho, waxaana aad ugu yar falalka amaan darrada.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245