Qarax ka dhacay SUUQ ku yaala Gobolka Baay

Read Time:50 Second

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Goof-Gaduud Buureey oo ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay Suuq lagu iibiyo Xoolaha oo ku yaalla deegaanka Goof-Gaduud Buureey ee Gobolka Baay, sida ay risaala u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma ayaa sheegay in miinada lagu aasay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee deegaanka goof-Gaduud oo ay dad Shacab ah ku sugnaayeen,waxana uu sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in ay jiraan ilaa dhaawacyada 5 ilaa 6 Ruux oo ku dhaawacmay qaraxaas,kuwaas oo la geeyey Isbitaalka Magaalda Baydhabo ee Gobolka Baay si halkaasi loogu daweeyo.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, hayeeshee Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo  Ciidamada AMISOM ayaa inta badan geysta qaraxyada noocaasi oo kale ah.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.