Qarax ka dhacay Muqdisho

Read Time:41 Second

Warar dhaaraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax maanta ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo Miino ahaa ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Masjidka Biimaalow degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Dad goobjoogaayaal ah ayaa sheegay in Miinada la dhigay wadada dhinaceeda, islamarkaana ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa saddex qof oo dhammaan ahaa dad shacab ah.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu soo warramayaa in ay ahaayeen Farsamayaqaano ka shaqeynayay goob ku taalla halkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halka uu qaraxu ka dhacay.

Shalay ayey aheyd markii qarax miino oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ahaa uu ka dhacay degmada Dayniile gobolka Banaadir.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %