Qarax Ka Dhacay Maqaaxi Ku Taalla Degmada Deyniile Oo Dhimasho Farabadan

Read Time:50 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Qarax Miino oo ka dhacay maqaaxi ku taalla degmada Deyniile, gaar ahaan xaafadda Bangala ee dhacda kazoo horjeedka Kulliyadii Jaalle Siyaad ee wadada Warshadaha ayaa sababay dhimasho badan iyo dhawaac.

Qaraxa ayaa k adhacay maqaayad ay wax ka cuni jireen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey iney ku dhinteen 7 qof oo ay ku jiraan labo dumar ah. Dadka geeriyooday waxaa ka mid ah xubno askar ah.

Guddoomiyaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, Xiirey Muxyadiin Cumar ayaa sheegay in qaraxan u ahaa miinada dhulka lagu aaaso oo rimuutka laga hago.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay wadaan baaritaano lagu xaqiijinayo khasaaraha uu sabaey qaraxaasi, isagoo tilmaamay in ilaa hadda ay war hayaan 7 dhimasho ah.

“Qaraxa waxaa ku dhintay todobo qof oo maqaaxi ku sugnaa, waxaa maalmahan tuhumeynay in degmada ay soo galeen kooxo nabad diid ah” ayuu gudoomiye Xiirey.

Deegaanka qaraxu ka dhacay ayaa aad loo degay wixii ka dambeeyey markii Alshabaab laga saaray Muqdisho, waxaana dadka degan u badan yihiin barakacayaal.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %