Qarax ka dhacay Kismaayo oo dhaawacay dhowr rayid ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax ka dhacay Kismaayo oo dhaawacay dhowr rayid ah

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu saaka halkaas ka dhacay qarax lala beegsaday kolonyo AMISOM, kaasoo waxyeelo u geystay dad rayid ah.

Ilaa 6 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidanka Burundi, ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo marayay xaafadda Laanta Ganacsiga ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha caafimaadka Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in isbitaalka la geeyay lix qof oo qabo dhaawacyo kala duwan, isla markaana ay la tacaalayaan daweyntooda.

Goob-joogeyaal ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan dad ka shaqeynayay dhisme ku yaalla halka uu qaraxu ka dhacay, dadka qaar ayaa ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidanka qaraxa kaddib.

Qaraxa ayaa ahaa miino lagu aasay waddada dhinaceeda. Saraakiisha amniga ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ee maamulku ay goobta ka samaynayaan howlgallo baaritaanno ah, mana jirto cid lagu soo qabtay howlgalladaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!