Qarax Ka Dhacay Bariga Qaahira Kadib Markii Dowladdu Akhwaanul Muslimiin U Aqoonsatay Argagixiso

Read Time:52 Second

Qaahira, Mareeg.com: Bam ayaa saaka ku qarxay meel uu marayey bas dadweynaha qaada deegaanka Nasri ee bariga magaalada Qaahira ee caasimaddda dalka Masar, waxaana ku dhawwacmay 5 ruux oo mid ka mid ah uu liito sida ay ilo maan warbaahinta u sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya in basku marayey deegaanka Nasri ee ku dhow Jaamaacadda Al-azhar Al-shariif, halkaasoo xarrun weyn u ah debadbaxa ardayda taageersan kooxda Al-akhwaanul Muslimiin.

War laga helay laamaha amaanka Masar ayaa sheegaya in khubarada walxaha qarxa ay kala furfureen bam la hoos dhigay boor xayeysiin oo ku dhow goobta basku ku qarxay.

Telefishinka dalka Masar ayaa sheegay in laamaha qaabilsan walxaha qarxa iyo wasaaradda arrimaha guduhu ay baareen dhamaan Iskuullada ku yaalla deegaanka qaraxu kadhacay, islamrkaana ay hadda baarayaan deegaanka Nasri iyo Masarta cusub.

Qaraxaan ayaa yimid maalin uun kadib markii Golaha Wasiirrada Masar u aqoonsadeen Ururuka Al-akhwaanul Muslimiin urur argagixiso, iyagoo ku eedeeyey iney ka damabeeyeen qarax lala beegsaday xarrunta ciidamada amaanka magaalada Al-diqihliya, ayna ku dhinteen 16, kuna dhaawacmeen 140 kale.

Maree.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %