Qarax ka dhacay Afgoye iyo khasaaro ka dhalatay

Waxaa faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysaa Qarax Miino ah oo lagu Aasay Goob ay Ciidamadu Fariistaan oo ku taalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Saaka ka dhacay Isla Degmada waxaana halkaas ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogeyaal ku sugan Afgooye ayaa sheegay in Miinada ay Xalay Shabaab ku Aaseen Goobta oo aheyd meel ay Fariistaan Ciidamada Dowladda.

Ugu yaraan Shan Askari ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Qaraxa Miino ee ka dhacay Afgooye,waxaana ku dhaawacmay illaa 3 kale.

Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Ee ku sugan Afgooye weli kama hadlin Qaraxa Khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Degmada Afgooye.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia