Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Xarunta Degmada Hoden
Qarax xoogan oo laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa lagu weeraray Xarunta Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, iyadoona la sheegay inuu ku Qarxay albaabka laga garo Xarunta Degmada Hoden.
Qaraxa ka dhacay lagu Weeraray Degmada ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad badan oo goobta ku sugnaa.
Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi.
Comments are closed.