Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho
Ugu yaraan 4 Ruux ayaa ku dhimatay, tiro kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Weerar ismidaamin ahaa uu ka dhacay bartamaha Magaalada Muqdisho.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isku miidaamiyay bar koontarool ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin isgooyska Sayidka oo ku dhow Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho.
Goobjooge ayaa u sheegay Mareeg Online in Qaraxa sidoo kale uu burburiyay gawaari iyo mootooyin sugayay in baaritaan ay maraan maadaama halka uu Qaraxa ka dhacay ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Caasimada Soomaaliya.
Comments are closed.