Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Read Time:32 Second

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Isgoyska Ex Kontrool Afgooye ee Muqdisho daqiiqo ka hor.

Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ka dhacay Isgoyska Mashquulka badan Ex Kontrool sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa ku howlan daabulida dhaawacyadda waxaana Qaraxa uu ahaa Mid xooggan oo xataa ay dhibaato soo gaartay dad Shacab ah oo ku sugnaa guryo ku dhow Isgoyska.

Dhibaatadda ugu badan ayaa soo gaartay Mooto Bajaajleyda iyo kaalin Shidaal oo ku taalla Isgoyska oo dab qabsaday.

Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah oo Qaraxa ka dhashay.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.