Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Afgooye
Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha degmada Afgooye ayaa waxaa uu ka dhacay Koontoroolka Baar Ismaaciil ee degmadaas.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa lala eegtay qaar kamid Shaqaalaha Turkiga ee dhismaha ka wada Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku dsrayaan in dadka ugu badan ee ku waxyeeloobey qaraxaas ay yihiin askar ka tirsan Ciidamada Haramcad iyo dad Shacab ah oo goobta marayey.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in uu socdo gurmad kala duwan oo ay wadaan Ciidamada Dowladda & Dadka Shacabka iyo mas’uuliyiin ka yimid dhinaca degmada Afgooye.
Comments are closed.