Qarax ismiidaamin ah oo isgoyska Banaadir lagula eegtay Kolonyo uu la socday Taliyaha Booliska G/Banaadir

Read Time:50 Second

Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Zoobe iyo Banaaidr ee  magaalada Muqdisho, waxaa uu geystay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu weeraray taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo la socday kolonyo gaadiid ah oo mareysay halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta  u sheegay in Farxaan Qaroole uu ka bad-baaday qaraxa lala beegsaday, isla-markaana uu haatan caafimaad qabo.

Sidoo kale waxaa jira waxyeelo soo gaartay dad badan oo shacab ah oo wadada marayey iyo kuwa kale oo ku sugnaa goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %