Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho

Xaafadda Siinaay ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow ka dhacay  qarax loo adeedsay Gaari gacan.

Waxa ay wararka qaar sheegayan in  qaraxa uu  ahaa noocda miinada  dhulka lagu aaso,halka warar kale ay sheegayan in uu ahaa qaraxa mid lagu xiray Gaari gacan,kaasi oo ku qarxay qeybta Suuqa Khudaarta ee Siinaay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in ay maqleen jugta qaraxa,isla markaana uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan Ciidanka Minishiibiyadda oo goobta ka agdhawaa.

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen Goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana halkaasi ay ka wadaan baaritaano ku aadan Qaraxa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!