Qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
Qarax laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxa uu ka dhacay Isgoyska Albaraka.
Qaraxa oo ahaa mid lagu xiray gaari kaarib ah oo ay wateen labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya,iyadoona uu khasaare ka soo gaaray labadii askari ee la socday gaariga.
Dad ku sugnaa goobta xiliga uu dhacayay qaraxa ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi ay ku dhinteen labo askari oo ahaa kuwo la socday gaariga qarxay,isla markaana waxyeelo kale ay ka soo gaartay dad shacab ahaa oo goobta ka agdhawaa.
Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga ee ku aadan Qaraxan maanta ka dhacay Isgoyska Albaraka ee Magaalada Muqdisho.
Comments are closed.