Qarax gaari oo ka dhacay hotelka Maka Almukarrama ee Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax gaari oo ka dhacay hotelka Maka Almukarrama ee Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Qarax gaari ayaa goor dhow ka dhacay darbiga Hoteelka Maka Almukarrama ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qaraxa sameeyey ayaaa la sheegay in la dhigay darbiga dambe ee hoteelka Maka Almukarrama, kaasoo saaran jidka caanka ee Maka Almukarrama.

Warar horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhaawacmeen labo ruux oo mid ka mid yahay sakari.

Markii qaraxaasi dhacayey ayaa waxaa la sheegay iney hotelkaa ku sugnaayeen afhayeenada madaxtooyada iyo xafiiska Raysulwasaaraha Soomaaliya, lamina soo sheegin wax dhibaato ah oo gaaray mas’uuliyiintaas.

Hotelka Maka Almukarrma oo ah hotel ganacsi, aadna loo ilaaliyo ayaa waxaa horay Alshabaab ula beegsadeen qaraxyo mid ka mid ah loo adeegsaday Computer Labtop ah, iyadoo markaas kadibna gaari miineysan uu ku qarxay darbiga dhanka laamig ee Hoteelkaas, kaasoo geystay khasaare nafeed.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!