Qarax gaari oo ka dhacay gudaha mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax gaari oo ka dhacay gudaha mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Qarax gaari ayaa saaka ka dhacay gudaha Jaamacadda Horseed ee magaalada Mqudisho, taasoo ku taallada xaafadda Buulo-xuubey, agagaarka dhisamayaashii Somali Airlines.

Gaariga qaraxay wuxuu mid la dhigay gudaha Jaamacadda, lamana xaqiijin cidda iska laheyd gaarigaas, inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu gaarigaas watay mid ka mid ah macallimiinta Jaamacadda wax ka dhiga.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaas, waxaana halkaas gaaray ciidamada amaanka kuwaasoo wada baaritaan la xiriira wax sabababay qaraxa.

Maamulka Jaamacadda ayaan ilaa hadda bixin wax hadal ah, xilli Jaamacadda ay ku jiraan ciidamada baara walxaha qarxa, islamarkaana aysan joogin wax arday ah.

Waa qaraxii ugu horreeyey ee ka dhaca gudaha mid ka mid ah goobaha waxbarasahada magaalada Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.