Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Afaafka Hore Ee Hotel Orientel Ee Muqdisho

Read Time:50 Second

(Sawir hore Hoteelka Orientel ee la qarxiyey)
Muqdisho – Mareeg.com: Kadib salaaddii casir ee xilliga Muqdisho ayaa qarax gaari wuxuu ka dhacay afaafka hore ee hotelka Orientel oo ku yaalla degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Mareeg.com in qaraxu ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la dhigay afaafka hore ee hoteelkaas oo saaran wadada laamiga ee xaafadda Beexaani.

Warar horudhac oo soo baxay ayaa sheegaya iney jiraan dhaawacyo ka dhashay qaraxaas, kaasoo laga maqlay xaafadaha Muqdisho qaarkood. Dhaawacyada ka dhashay qaraxaas waxaa lagu sheegay ilaa 4 ruux.

Ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugidda ayaa xiray inta u dhaxeeya dhismaha Jaalliyadda Yemen ilaa Mowlaca Sheekh Muxudiin Celi, mana jiro wax war ah oo ilaa hadda kazoo baxay laamaha amaanka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in markii qaraxa gaari ka dhacayey hoteelkaas ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Hotel Orientel waa dhismihii horay uu u deganaan jiray Radion Banaadir, wuxuuna ka kooban yahay hotel iyo baar laga cunteeyo.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.