Qarax Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubba lagula eegtay Magaalada Kismaayo
Kismaayo ( Mareeg)-Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya in qarax saaka uu ka dhacay halkaasi.
Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lala bartilmaamsaday gaari ay la socdeen Ciidamada Maamulka Jubba oo marayay Xaafadda Guulwade ee Magaalada Kismaayo.
Markii qaraxu dhacay kadib ayaa Ciidamadu waxay fureen rasaas taas oo aan iyana la ogeyn khasaaraha ay sababtay.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ee qaraxa iyo rasaastii ka dambeysay ka dhalatay iyadoona kadib qaraxa Ciidamo badan oo kuwa maamulka Jubba ah ay soo gaareen meesha wax ka dhaceen.
Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland oo aan xiriiro la sameynay si aan wax uga weydiinno qaraxaasi ayaan inoo suura gelin.,
Comments are closed.