Qarax ciidamada dowladda lagula eegtay agagaarka Isgoyska Banaadir

Read Time:39 Second

Mareeg.com: Qarax lala doonayey gaari ay wateen ciidamada Soomaaliya ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgooyska Banaadir iyo Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Waxaa qaraxa la sheegay in uu ahaa miinada rimuudka lagu hago, taasi oo lala damacsanaa in lagu qarxiyo gaarigaasi Cabdi Bilaha ah ee ciidamada dowladda Soomaaliya ay wateen.

Goobjooge ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka shacabkaa intaba soo gaaray.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa baaritaano ka wada Wadada isku Xirta Isbitaalka Madiina iyo Isgooyska Banaadir, gaar ahaan agagaarka boosteejada laga raaco gaadiidka xaafada Jiiro Msikiin ee deegaanka Madiino aada.

Wadada isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Madiin ayaan ka mid ah jidadka aan dib u dhiska lagu sameynin, waxaana boosteejadaas agagaarikeeda ku yaallo goobo qashin qub ah.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.