Qarax Amisom lagula beegsaday Wadada Warshadaha iyo rasaas xoog leh oo dhacday

Muqdisho – Mareeg.com: Qarax miino ayaa maanta ciidamada AMISOM lagula eegetay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Ceymiska.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in kolonyo gaadiid ah oo ka kooban 6 gaari, islamarkaana ay wateen ciidamada AMISOM qarax lala beegsaday.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada AMISOM waxey rideen rasaas xoog leh, lamana oga khasaaraha ilaa hadda ka dhashay qaraxaas.

Waxaa jira warar sheegaya in markii qaraxu dhacay ee ciidamada AMISOM ka dageen gaadiidka ay wateen lagu tuuray bambaanooyin, islamarkaana rasaas looga soo riday gudaha xaafadaha, taasoo keentay iney ridaan rasaas xoog leh.

Alshabaab ayaa xoojiyey weerarada ay ku qaadayaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245