Qaramda Midoobay oo si kulul u cambaareesay Weerarkii lagu qaaday Saldhiga AMISOM ee Degaanka Janaale * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaramda Midoobay oo si kulul u cambaareesay Weerarkii lagu qaaday Saldhiga AMISOM ee Degaanka Janaale

Ergayga gaark ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay Weerar Cuslaa ee lagu qaaday Saldhiga Militariga ee Ciidamada Midowga Afrike ee AMISOM ee Degaanka Janaale ee Gobolka Sh.Hoose.

 

Danjire Nicholas Kay ayaa u tacsi u diray ehalada iyo Asxaabta ay ka geeriyoodeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ee lagu Dilay Weerarka Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhigooda oo ku yaala Degaanaka Janaale.

 

“Waxan ugu tacsiyeenayaan Dowladda Uganda Ciidamada looga Dilay Weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Militariga ee Ciidamada AMISOM ay ku leeyiin Degaanka Janaale” sidaasi ayuu yiri Danjire Kay.

 

“Waxaan ku boorinayaan Ciidamada Nabad Ilaalada ee Midowga Afrika ee AMISOM in ay sii wadaan dadaalada ay ku doonayaan in Nabad iyo Xasilooni ay ugu soo dabaalaan Dalka Soomaaliya” qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ambaasdoor Nicholas Kay ayaa sidan lagu yiri.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Qarmada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay la garab istaagan tahay Dowladda Soomaaliya waxuuna sheegay in Weerarka Al Shabaab uusan waxba ka badali doonin horumarada ay hiigsaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!