Qaramada Midoobay U Cambaareysay Dilkii Dhaqtaradii Suuriya Iyo Soomaaliya Ee Mqudisho
Muqdisho, Mareeg.com: Ergayaga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay Ergeyga ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray si kulul ugu cambaareeyay dilkii shalay duleedka Muqdisho loogu geystay dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Siiriyaan.
Ergayga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilka dhaqaatiirta ka shaqeyneysay howlaha caafimaadka bulshada, kuwaas oo isugu jiray Sadex Siiriyan ah, dhaqtar Soomaali ah iyo wadihii gaariga iyo labo kale oo dhawaac culus soo gaaray.
Nicholas Kay ayaa sheegay in Soomaaliya weli la tacaaleyso dib u dhiska hay’adaha caafimaadka, hadana la dhibaateynayo dhaqaatiirta sida gaar ah u caawiya shacabka Soomaaliyeed.
“Soomaaliya, weli waxay la tacaalaysaa dib u dhiska hay’adaha caafimaadka, waana u mahadcelinaynaa hay’adaha ku howlahan inay nolosha shacabka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan,” ayuu yiri Nicholas Kay.
Nicholas Kay ayaa uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed geerida dhaqaatiirtaasi, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in dambiilayaashi geystay dilkaasi maxkamad la horkeeni doono.
“Si adag ayaan u cambaareynayaa weerarka lagu dilay dhakhaatiirta, waxaana dowladda Soomaaliya ku boorrinayaa inay baaritaan ku sameyso dambiilayaashii falkaas foosha xun geystay, si sharciga loo horkeeno.”
Mareeg.com
Comments are closed.