Qaramada Midoobay: Soomaali badan ayaa kaalmo degdeg ah u baahan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaramada Midoobay: Soomaali badan ayaa kaalmo degdeg ah u baahan

Mareeg.com: Qarammada Midoobay ayaa sheegtay inay gargaar degdeg ah u baahan yihiin Soomaali badan oo ku dhibaataysan gudaha dalkooda.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya, Philippe Lazzarini ayaa sheegay in saddex milyan iyo dheeraad qof  oo ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

“Waxaanu la macaamiilnaa waddan haatan dib u soo kabsanaya oo marxalado kala duwan soo marey, waa in la ogaadaa in weli howlaha gargaarka bani’aadanimo ay yihiin baahidoodu mid aan fari ka qodnayn“ ayuu yiri Philippe Lazzarini

Wuxuu xusay in ku dhawaad Nus-malyuun qof oo ka tirsan dadkaasi aysan haysan gabi ahaanba adeegyada aas-aaska u ah nolosha aadanaha.

Lazzarini ayaa tilmaamay in ammaanka shaqaalaha gargaarka iyo xiritaanka xawaaladaha Soomaalida ee Kenya ay sii kordhinayaan arrimaha bani’aadannimo ee ay wajahayso bulshada Soomaalidu.

Mr. Lazzarini ayaa dhinaca kale sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay wajahayso caqabado ka dhashay xayiraadda xawaaladaha, Mareykanka, Australia iyo Kenya.

Ugu dambeyntii wuxuu shegay in Qaramada Midoobay aaminsantahay in boqolkiiba 40 Soomaalida ay ku nool yihiin lacagaha dibadda ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More